26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Puntland iyo DDSI oo isku heysta dhul ku yaala gobolka Mudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta wadahadal uu u bilaabanayo masuuliyiin ka socota Puntland  iyo DDSI.

Wadahadalkaasi ayaa ka dhacaya deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug oo dhawaan dagaalo ay ku dhexmareen ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Shirkaasi aya ala doonayaa in xal looga gaaro dagaalkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee ka dhacay deegaanka Tuulo Xanan ee gobolka Mudug.

Sida wararka aan ku heleyno waxaa jirta caro ciidamada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay ka qaadeen markii deegaanka Tuulo Xanan laga taagay calanka Puntland.

Waxaana qodobada shirka looga hadli doono ugu horeeya iska deegaankaasi maamuleysa ama uu hoostago.

Ethiopia ayaa ku doodeysa in deegaankaasi uu kamid  yahay deegaanada DDSI sidaasi daraadeedna looga tali doono magaalada Jigjiga halka Puntland ay aamisan tahay in dhulka laga maamulo gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News