Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada uu ku jiro dalka iyo dadaalada laga doonaayo Dowlada cusub ee u curatay Somalia.
Axmed Madoobe ayaa sheegay dhibaatada heysatay Dowladihii hore ay kamid aheyd taageero la’aanta ka heysatay dhanka shacabka balse waxa uu iminka cadeeyay in Dowladaani ay mudan tahay in si dhow loola shaqeeyo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowlada cusub ay ka duwan tahay kuwii hore waxa uuna farta ku goday in Jubbaland ay mar waliba taageersan tahay Madaxweynaha ay taagersan yihiin shacabka.
”Jubbaland wey ku qasban tahay inay taageerto cida ay taageersan yihiin shacabka waxaan ku baaqeynaa in lala shaqeeyo Madaxweynaha cusub”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay inay hesho nabad, waxa uuna farta ku goday in nabadaasi lagu gaari karo taageerida Dowlada dhisan.
Maamulka Jubbaland ayuu sheegay inay ka go’an tahay in si dhow ay ula shaqeyso Dowlada cusub ee u dhalatay Somalia, waxa uuna ku baaqay in Maamulada kale ay ku daydaan Jubbaland.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili saacado un ka hor ay Villa Somalia kuwada kulmeen Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com