Jawaari oo carro kala dul dhacay madaxda xabsiga dhexe iyo kiisas la sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” ayaa ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo dhalinyarada danbi la’aanta ugu xiran Xabsiyada dalka.

Jawaari ayaa sheegay inay hayaan macluumaad farabadan oo burburinaaya shaqooyinka ay sheeganayaan Taliyayaasha maamulka Xabsiga Dhexe iyo Xabsiyada kale ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa amray in si deg deg ah Maxkamad loo horkeeno dhalinyarada aan danbiyada gelin ee ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Jawaari waxa uu sheegay inay hayaan kiisas dhowr ah oo mujinaaya in Xabsiyada ay ku jiraan dhalinyaro aan waxba galabsan oo si maalayacni ah isaga xiran Xabsiyada.

Wuxuu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dhalinyaro aan danbi gelin ay ku jiraan Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale, Jawaari ayaa laamaha Caddaaladda dalka ugu baaqay in dhalinyarada xiran la horgeeyo Cadaalada haddii amarkaasi la baalmarana ay qaadi doonaan talaabo isla xisaabtan ah.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa faray in si deg deg ah ay ku furaan Gal dacwadeedka dhalinyaradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com