Axmed Madoobe oo Farmaajo ugu baaqay in wada hadal uu Kismaayo u yimaado

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ugu baaqay in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta lagu caleemo saaray Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in Jubbaland ay diyaar u tahay in Dowladda Dhexe kala hadasho waxyaabaha ay isu hayaan labada dhinac.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Dhexe, isagoo dhanka kalena ku baaqay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ay sameeyan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay lama taabtaan tahay midnimada umadda Soomaaliyeed, iyadoo uu Soomaalida ugu yeeray in ay dhawraan muqadaska midnimada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in ay Dowladda Dhexe ku tix-gelinayan hawlaheeda shaqo, balse aanay dowladda ku ixtiraami doonin in ay soo fara-geliso arrimaha Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa markale ku celiyay in loo baahan yahay in labada dhinac ay ka wada hadlaan wixii jiro, isla-markaana uu Madaxweyne Farmaajo ugu yeerayo in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aaa labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wada hadalka yimaadan, kana wada hadlaan wixii la kala tabanayo.

Madaxweyne Deni ayaa soo hadalqaaday xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo 31kii bishii August lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inaanu Cabdirashiid Janan u khalmin in la xiro, isla-markaana ay xarigiisa ka xun yihiin. Madaxweynaha ayaa yiri “Xariga Cabdirashiid Janan waan ka xunahay, umana khalmin xarig.”

Villa Somalia ayaa horey u diiday in ay aqoonsato tallaabada marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeedisay in doorasho ku celis ah la qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com