Axmed Madoobe oo ka digay arrin ka dhalan karta ‘qorshaha ay waddo DF’

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa uga digay in dowladda Soomaaliya in faro-gelinta ay ka waddo Jubaland ay kasii dari doonaan un xaaladda, islamarkaana dhibaato horseedi doonaan.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka hor sheegay maanta mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo uu salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland, isaga oo sheegay in dowladda ay dalka dib ugu celineyso halkii uu ka yimid.

Madaxweynaha ayaa marka hore dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Sidoo kale  shacabka reer Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hayadaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markaana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka dhageyso codka Axmed Madoobe

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com