24.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Axmed Madoobe oo ka gaws qabsaday inuu Xasan ugu yeero madaxweyne

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa baaqsaday in Xasan Sheekh ugu yeero Madaxweynaha Soomaaliya, xilli uu maanta kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Labada nin oo wada-hadallo uga bilaabanayaan halkaasi ayaa weli muujinaya sida ay u kala taagan yihiin illaa inta laga gaarayo isfaham rasmi ah. Axmed Madoobe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kadib soo dhaweyntii Xasan ugu yeeray “walaalkay” taas oo uu ku muujinayo weli in uusan u aqoonsaneyn Madaxweyne Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta Magaalada Kismaayo kusoo dhaweynay walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo,” ayuu yiri Madoobe ku yiri qoraalkiisa oo sidoo kale lagu baayiyay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Jubaland mar walba waa u furan yihiin albaabada wada-hadalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Tallaabadan ayaa sidoo kale imanaysa xilli ay Villa Somalia ka xeeladeysatay in Axmed Madoobe ay si toos ah u xusto, iyadoo sheegtay in inta uu ku sugan yahay Kismaayo, Madaxweynaha uu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka. Marnaba ma xusin in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo la bilaabayo.

Tan ayaa muujinaysa sida ay weli u kala fogyihiin dhinacyadu, inkastoo lagu cadaadinayo inay soo afjaraan khilaafkooda siyaasadeed, haddana Villa Somalia ayaa ka xeeladeysaneysa inay Madaxweyne ugu yeerto ninkii ay shalay diiday sharciyadiisa, illaa inta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe gaarayaan isfaham rasmi ah.

Villa Somalia ayaa sidoo kale horey uga baaqsatay inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta Axmed Madoobe, taas oo si weyn u daneynayay hoggaanka Jubbaland ka hor wada-hadallada Kismaayo.

Jubaland waxay hore u dalbatay in wada-hadalada Kismaayo ka dhacaya aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay. Qodobkan ayaa u muuqda mid weli Xasan uu ku lulayo Madoobe, si uu tanaasul u sameeyo, loona gaaro isfaham rasmi ah.

Si kastaba, safarka Kismaayo ayaa imanaya xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News