Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gooni-gooni ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin iyo wakiilada dalalka caalamka ee jooga caasimada.

Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, kaasi oo ka qabsoomay hoyga uu madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada dalka, kadib heshiiskii Afisyoone iyo dar-dar gelinta howlaha doorashada oo dhawaan heshiis rasmi ah ka gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee maamulka Jubbaland iyo dowladda Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu soo afmeermay shirweynihii doorashada ee heshiiskiisa dhawaan ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb-galay, ka bilaabay magaalada Muqdisho kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin sarre iyo wakiilada beesha caalamka.

Si kastaba, heshiiska doorashada ee ay saxiixeen madaxda dowlada federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dalka u jiheeynaya dhanka iyo doorasho, taasi oo meesha ka saartay xaaladii hubinti la’aanta aheyd ee ka taagneyd dalka.