R/W Rooble oo magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddi u magacabay guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka dalka, kaasi oo sabab u ahaa is-mari waagii dhowaan heshiiska laga gaaray doorashooyinka.

Rooble ayaa guddiga oo ka socda golaha wasiirada waxa uu u xil saaray in ay ka warbixin keenan guddiga lagu muransan yahay doorashada iyo iyo xubnaha cabashada laga qabo. weli lama shaacin magacyada guddiga.

Guddiga la magacabay ayaa laga sugayaa inay soo xaqiijiyeen oo ay caddeeyan xubno ku dhow illaa 20 oo la sheegay inay kamid ahaayeen Shaqaalaha Madaxtooyad, Hay’adda Nabad-sugida ee NISA, Ciidamo iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .

Rooble ayaa loo gudbiyey 16-ka xubnood oo ay tahay inuu bedelo sida ku cad heshiiskii ay 27 Bishan Muqdisho ku saxiixdeyn isaga iyo Maamul Goboleedyada, waxaana awood loo siiyey inuu bedelo xubnaha ay cabashada ka taagan tahay.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkee ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya iyo inuu yahay qof ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishaan.

Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg Isniinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021.

Sidoo kale fulinta qodobkaan ayaa noqon doono mid lagu ogaan doono suurtagalnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 Maalmood ah.

Qodobka ku saaban xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada oo ay saxiixeyn Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u qornaa sidan:

1: Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka

  • Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
  • Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.