Shariif oo war kasoo saaray Ciidamada Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna haatan guddoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo ka hadlayey munaasabad sagootin ah oo loo sameeyey madaxda maamul goboleedyada ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda, gaar ahaan marxaladihii lasoo maray.

Sheekh Shariif ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo heshiiska taariikhiga ah ee laga gaaray doorashooyinka Soomaaliyed ee 2021-ka, kadib wada-hadallo todobaad qaatay oo ka qabsoomay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga hortegay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale boggaadin u jeediyey ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwii mucaaradka ee la magac-baxay bad-baado qaran iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay in heshiiska la gaaray.

“Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay,”ayuu yiri.

Waxa kale oo uu u mahadceliyeyt madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo kula da-rdaarmay inay sii wadaan dadaalladooda, inta ka dhaceysio doorashada Soomaaliya oo isuhu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan qorshuhu yahay in si rasmi ah  loo guda-galo doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu hormarayo soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna la dooran doono madaxweynaha cusub.