Cabdi Xaashi oo booqasho ku tegaya Pakistan + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi ayaa wada-hadal saacado badan qaatay oo dhinaca Taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Pakistan,  Sadiq Sanjrani.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo quseeyo labada dal, gaar ahaan is-kaashiga dhinacyada baarlamaanka, si ay u yeeshaan wada shaqeyn toos ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda kusoo hadal qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa xoojinta xirirrka ay haatan leeyihiin wadamada Soomaaliya iyo Pakistan.

Intii uu socday wada-hadalka ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan, Sadiq wuxuu casuumaad rasmi ah fudiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, si ay labada baarlamaanka isku dhaafsadaan wufuud, iyaga ka wada-hadlaya xiriirkooda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa aqbalay casuumada loo fidiyey, wuxuuna dhowaan booqasho rasmi ah ku tegi doono gudaha dalka Pakistan, isaga oo intaasi ku daray  in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan, iyada oo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Arrintan ayaa timid, kadib kulan Jimcihii ku dhex-maray magaalada Islaamabaad ee caasimada dalka Pakistan Danjiraha safaarada  Soomaaliya ee dalkaasi, Marwo Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee Pakistan, Mr Sadiq Sanjrani.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer, iyada oo labada dal ay horey u yeesheen kulamo gooni gooni ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ay leeyihiin.