Xog: Al-Shabaab oo lacag kusoo rogay dhismaha jidka xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar

Balcad (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo qarinay magacyadooda iyo goobaha ay ka shaqeeyaan ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan kooxo lala xariirinayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo lacag ka dalbaday shirkadaha qaatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo hadda billow ah. 

Kooxdan sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa dalbaday lacago boqolaal kun oo dollar ah oo ay sheegeen in ay tahay canshuurta dhismaha wadadaan, iyagoo sheegay haddii la siin waayo in ay ka geysan doonaan weeraro lagu beegsan doono shaqaalaha iyo shirkadaha ku howlan dhismaha wadada. 

“Dhowr jeer ayay soo wactameen waxeyna dalbadeen lacag aan yareyn iyagoo dadka ugu yeeraya meel ka mid ah Shabeellada Hoose si loo xaqiiqsado inay iyagii yihiin, waxaana laga codasaday in qolada howsha waddo isku laabato jawaabna la soo siiyo,” ayuu yiri mas’uul aan magaciisa qarinay oo xog ogaal ka ah arrimaha ku saabsan mashruucaan lagu dhisayo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. 

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan wali soo gaarin xogtan, balse ay tahay wax dhici kara markii loo eego dhibaatadii laga maray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. 

Dhismaha wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo billaabatay todobaadyo kahor ayaa mareysa meel billow ah inkastoo ay ku socoto dardar xoogleh. 

Al-Shabaab ayaa hore isu hor-taagay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo markii dambe lagu dhisay xoog inkastoo dad badan ay ku dhinteen weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab oo lagu beegsaday shaqaalihii dhisayey.