Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii musharraxiinta iyo madax goboleedyada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, kaas oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, HirShabelle, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halka dhinaca musharraxiintana ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee dalka.

Sidoo kale kulankan oo ah mid ballaaaran ayaa wuxuu isugu jiray sagootin iyo sidoo kale bogaadin loo jeediyey madaxda maamul goboleedyada oo door weyn ka qaatay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Waxa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii looga wada-shaqeyn lahaa dooorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, iyada oo laga fogaanayo musuq iyo wax is-daba marin.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay isku af-garteen in si deg-deg ah loo guda-galo doorashada, maadaama la heysto muddo kooban, loona baahan yahay in lasoo doorto xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Shirkani ay qeyb ka noqonayo kulamo siyaasadeed oo saacadihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacay Caasimada, kadib heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale la filayaa inay si deg-deg ah ugu laabtaan xarumahooda, si ay u billaabaaan dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka ee 2021-ka

Soomaaliya ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii lasoo af-jaray murankii xooganaa ee ka taagnaa doorashooyinka dalka ee 2021 ee u dhexeeyey dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana lagu wadaa in haatan la gudagalo doorashooyinka.