DF oo war rasmi ah kasoo saartay cabashada beesha Xawaadle ee HirShabeelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in wax laga qabanayo tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dhismaha maamul goboleedka HirShabeelle kadib khilaafkii ka dhashay hab qeybsiga awoodeed ee maamulkaas.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Xukuumadda Fedaraalka ay ka go’an tahay xal u helidda cabashada ay shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ka qabaan dowlad goboleedka HirShabeelle.

Isagoo la hadlayey idaacadda BBC qeybteeda Af-Soomaaliga, ayuu Al-Cadaala sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto maamulka HirShabelle sidii shacabka reer Hiiraan looga qancin lahaa cabashada mudada dheer qaadatay ee kala dhaxeyso Hirshabeelle.

“Xukuumadda oo kaashaneysa Golaha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Shanta Madaxweyne goboleed, guddoomiyaha gobolka Banaadir waxay diyaar u yihiin iney ka jawabaan tabashada reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle,” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay Hirshabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Khilaafka ka taagan Hirshabelle ayaa waxay qeyb ka aheyd qodobadii ay isla soo qaadeyn Dowladda Dhexe, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir shirkii mudada afarta Maalin ah uga socday Muqdisho, waxaana lagu heshiiyey in la xaliyo khilaafka ka dhashay awood qeybsiga maamulka HirShabeelle.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.