Saraakiil sare iyo tiradii ugu badneyd oo dagaal-yahanno ah ‘oo laga dilay’ Al-Shabab

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Galka-Xarareey ay militeriga Soomaaliya ku dileen ugu yaraan laba sarkaal iyo in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda. Khasaarahan ayaa ah kii ugu badnaa ee dhowaanahan soo gaara Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalkaas looga dilay Al-Shabaab waxaa kamid ah madaxii Jabhadaha ee gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Yuusuf, madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Galka-Xarareey iyo ugu yaraan 30 dagaalame oo kale.

Sidoo kale Taliye Odawaa waxa uu sheegay in 20 dagaalame oo kale ay ciidamadu ku dhaawaceen howlgalkaas, isla markaana ay nolosha ku qabteen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas uu guuleystay, isla markaana ay jiraan rag loo maleynayo saraakiil sare oo lagu dilay deegaankaas, kuwaas oo xogtooda ay dib kasoo shaaci doonaan xaqiijin kadib.

Maalmihii u dambeeyey degmooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayey ciidamada xoogga dalka waxay kala wareegeen Al-Shabaab, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen inuu socdo qorshe gobolkaas looga sifeynayo kooxda.