Maleeshiyaadkii weeraray Jowhar oo maleshiyo kale soo dhoobay duleedka Jowhar 

Jowhar (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maleeshiyaadkii Macawiisleyda ahaa ee dhowaan weeraray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle qorsheeyeen in ay markale weeraro ka fuliyaan Jowhar. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in tobaneeyo kamid ah Macwiisleydan oo hubeysan islamarkaana kasoo gudbay soohdinta gobolka Sha/Hoose, oo ay ku soo dhawaadeen gudaha magaalada Jowhar, waxayna halkaas kawadaan abaabul. 

Xubno kamid ah Maleeshiyada Macawiisledyada ayaa sheegay in dedaallo la sameeyay kadib dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana hogaamiyihii ka xirnaa looga daray dad kale, taasina ay ku qasbeyso in ay qaadaan wax ku sheegeen duulaan kale oo lagu soo furanayo dadka kaga xiran Saldhigga Jowhar. 

“Maalmahan dhan ayaa arkeyney iyagoo lugeynaya oo ka soo gudbaya Sh/Hoose waxayna noo dhaafeen dhinaca Jowhar wax dhib ahna ma kala kulmin waa wiilasheyna in waxa halkaan dagan yihiin dadkooda,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool soohdinta Jowhar Sh/Hoose.

Dhinaca kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in maamulka HirShabeelle uusan ku baraarugsaneen qatarta iyo abaabulka ka socda duleedka magaalada, islamarkaana ay wajihi karaan weerar kale oo khasaaro u geysta. 

Dagaalkii kan ka horreeyay ee laba todobaad ka hor ka dhacay Jowhar waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.