Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay dacwad loo haysto laba nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada amniga Soomaaliya.
Labadan eedeysane ayaa la sheegay in ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ay ku qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo markii dambe loo gudbiyay hay’adaha garsoorka.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada nin ku soo oogtay eedo la xiriira ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, iyadoo maxkamadda loo bandhigay warbixinno ku saabsan dagaallo la sheegay inay ka qeybgaleen, tababarradii ay qaateen iyo xilligii ay gudaha Soomaaliya soo galeen.
Sida lagu sheegay fadhiga maxkamadda, labada eedeysane ayaa lagu kala magacaabaa Xamse Ibraahim Cali (Abuu Irshaad) iyo Nasri Cabdiraxmaan Cali (Abuu Safiya). Waxaa la sheegay inay ku dhasheen magaalada Harar ee dalka Itoobiya, isla markaana ay si wanaagsan ugu hadlaan afka Soomaaliga.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu rido xukun waafaqsan eedaha loo soo jeediyay labada nin, isaga oo ku dooday in tallaabadaasi ay qayb ka noqon karto ka hortagga dadka kale ee ku biiraya Al-Shabaab, isla markaana ay muhiim u tahay ilaalinta amniga guud.
Dhanka kale, qareenka difaacaya labada eedeysane ayaa sheegay in raggan aysan qirsaneyn eedaha loo haysto, isaga oo ku tilmaamay qodobada lagu soo oogay kuwo culus oo aan weli si buuxda loo caddeyn. Qareenka ayaa maxkamadda ka dalbaday in labada nin dib loogu celiyo dalkooda Itoobiya si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay inay go’aan ka gaari doonto dacwadda labada eedeysane kadib marka ay dhameystirto qiimeynta doodaha ay soo bandhigeen Xeer Ilaalinta iyo qareenka difaaca, iyadoo xukunka ama go’aanka kama dambaysta ah dib laga shaacin doono.

