AXMED MADOOBE oo loo diray farriin la xiriirta xiisad culus oo ka taagan Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland oo kulan ballaaran ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka shiray xiisado colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo.

Odayaashan ayaa farriin u diray maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe waxayna ugu baaqeen inuu maamulka kala dhex-galo beelaha ku diriray halkaasi.

Sidoo kale waxa ay tacsi tiraanyo leh u direen dadkii lagu laayey dirirtaas u dhexeysa labada dhinac.

“Dhacdooyinka ka dhacay eeryada Jubbaland uu xukumo gaar ahaan Diif & deegaannada kale ee u dhaw waxa aan Dowlad-Goboleedka ugu baaqeynaa in la kala dhexgalo walaalaha dagaalamaya, Dadka la laalay ayaan uga tacsiyeenayaa, waa in la xaliyaa si loo daba-qabto loona badbaadiyo Dadka ka badbaaday dagaalka” ayuu yiri qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Jubbaland oo ka hadlay kulanka ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo.

Dhankiisa Afhayeenka Salaadiinta Jubaland Ugaas Cumar Xiirey oo madasha ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna baaq nabadeed u diray beelaha diriraya, si loo qaboojiyo xiisadda dhexdooda ah.

“Adduunka inta lagu wada nool yahay Dadku waa wada dhashay oo kala tagi maayo ama waa isku deegaan, Xeerka iyo wixii ay ku xalin jireen haloo daayo oo miiska wadahadalka la geeyo, wixii meeshaas ku jirana halkaas halagu xaliyo, wixii dhacay wixii ka dambeeya waa in laga hortagaa, Dadka ka xun dagaalka waa in ay kala dhexgalaan ilaa inta la isaga imaanayo si aanay Dad kale loo dilin ama dhib kale u dhicin, Nidaamka Jubbaland ee lagu wada joogo waa in la dhowraa, Maamulka DG Jubbaland ee halkaas ka jira waa in uu ka qaybqaataa howsha uga aadan”  ayuu dhankiisa yiri Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisad colaadeed iyo dhaq-dhaqaaq laga dareemayo deegaanka Diif oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Jubbaland ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada salka ku haya dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil ooka taagan maamulkaasi.