Beledxaawo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Gedo, wuxuuna ciidamo dheeraad ah geeyay degmada Beledxaawo.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka in ciidamo gurmad ah oo ka yimid deegaannada kale ee Jubaland ay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay ku biireen ciidamadii horay u joogay halkaas ee shalay dagaalka la galay kuwa dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Jubaland ay joogaan gudaha Beledxaawo, halka kuwa dowladda ay ku sugan yihiin xerada ciidamada UK ee oo ku taalla bannaanka magaalada, halkaas oo ay iyaguna ka wadaan abaabul culus.
Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinayo xiisadda ka taagan halkaasi, waxaana qaarkood ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubaland.
Dagalka ayaa yimid kaddib markii shalay labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, waxaana ku dhaawacay tiro intaas ka badana, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xalkas ah.
Dadka dhintay ayaa u badan ciidamada dhinacyadii dagaalamay, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo wax yeelo ay ka soo gaartay dagaalka, iyadoo ciidamada taabacsan Jubbaland ay ku guuleysteen inay la wareegaan magaalada.
Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.
Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

