24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Axmed Madoobe oo shirka ka sheegay arrin ay is ilowsiinayaan DF SOMALIA iyo beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo khudbad kooban ka jeediyay shirka ka socda magaalada Istanbuul ayaa ka hadlay halka ay jirto Somalia iyo meesha ay Dowlada Somalia ka baadi-goobeyso Somalia oo mid ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay in mar waliba ay diyaar u yihiin ilaalinta Somalia iyo in la helo Somalia oo mid ah, waxa uuna tilmaamay in muranada u dhexeeya DFS iyo maamulada dalka uu yahay mid waxbadan lagu saxaayo, balse uusan aheyn dagaal.

Axmed Madoobe waxa uu Khudbadiisa ku sheegay in Dowlada Turkiga iyo Beesha Caalamka looga baahan yahay inay raadiyaan Maamulka Puntland oo aan kamid aheyn shirka socda, islamarkaasina laga soo qeyb geliyo shirka.

Axmed Madoobe waxa uu khudbadiisa ku sheegay in lagama maarmaan tahay, in shirka Istanbuul laga soo qeyb geliyo Puntland, oo laga qanciyo waxyaabaha ay tabaneyso, si uu yiri shirka uga baxo qabyada uu iminka yahay.

Nuqul kamid ah haddalka Axmed Madoobe ayaa ahaa “Waa in laraadiyaa ‪Puntland‬ oo laga qanciyaa waxa ay katabanayaan nidaamka loo marayo doorashada dalka , ma ahan in sidaas lagu iloowo, waa xubin muhiim ah oo aan shirka ka muuqan”

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in DFS iyo Beesha Caalamka ay is ilowsiinayaan Maqnaanshiyaha maamulka Puntland balse taasi uusan xal u arag.

Madoobe waxa uu ku celcelshay in maanta ay haboonaan laheyd in Madaxweynaha Puntland uu xaadir ku ahaado shirka si mar un looga raali galiyo sida ay wax u dhaceen.

Geesta kale, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo shirka heerka sare ee arrimaha Soomaaliya oo maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga furmay 50 dowladood iyo ururo caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News