Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay baxnaaninta Dowlada cusub ee Somalia oo uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan munaasib aheyn in laga hor imaado Dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay inaanu ka aamusi doonin falalka lagu mucaaradaayo DFS.
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shaqsiyaadka kasoo horjeeda Dowlada ay u aqoonsan doonaan inay yihiin kuwo garab dadban siinaaya Argagixisada, isagoo sababta ku sheegay inay ka qeybqaadanayaan Amni darida iyo burburka Somalia.
”Maka raali noqon doono in laga hor imaado Dowlada cidii ka hor imaataa waxa ay garab dadban siineysaa Argagixisada waayo waxa ay ka qeybqaadanayaan in dalka uusan helin amni iyo xasilooni”
Axmed Madoobe ayaa sheegay in si iskumida ay ula dagaalami doonaan dhammaan dhinacyada kasoo horjeeda Dowlada waxa uuna shaaca ka qaaday inaan afka laga qabsan doonin kuwa garabka dadban siinaaya Argagixisada.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waayay xilal ay durba faafiyeen in DFS aysan waxba qaban.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo