Keating oo si yaab leh uga hadlay heshiiska saldhigga Berbera, meeshana ka saaray DF

Hargeysa (Caasimada Online) –  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Ergeyga ayaa wax laga waydiiyey arrimaha ku aadan heshiiska Saldhigga Berbera ee dhex maray Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland, kaasoo muran badan uu ka dhashay kadib markii lagu tilmaamay inuu yahay heshiiskaas mid aan waafaqsaneyn sharciga Caalamiga ah.

“Waxaan filayaa arrintaani (Saldhigga Militari) ay u taalo xukuumadda Somaliland qaabkii ula macaamili lahayd, haddii ay jirto arrimo ay warbaahinta madaxa banaan iyo ururada rayidka mowducan ka qabaan ay muhiim tahay in la shaaciyo oo xukumadda Somaliland lagala hadlo” ayuu yiri.

“Waxaa muhiim ah oo cad sidii kor lagu qaadi lahaa kaabaayasha kala duwandhaqaaalaha sida shaqo abuurka iyo abuurista fursado dhaqaalaha ay helaan shacabka Somaliland. Laakinse, qaabka loo fulinayo ay noqoto inay cadahay iyado lagu dabaqayo nidaamka caalaamiga ee sharciga caalamiga ah (international law)”.

Si kastaba waxaa yaab leh in Keating uusan soo hadal qaadin dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay kaliya in arrinta dekedda Berbera ay u taallo Somaliland. Somaliland inkasta oo madax banaani ay sheegato, haddana weli waa qeyb ka mid ah Somalia, waxaase muuqata in Keating uu taas meesha ka saarayo.

Safarkaan uu ergeyga ku tagay Hargeysa ayaa ahaa kii u horeeyay ee ku tago halkaas, tan iyo markii loo soo magacaabay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kuxigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, iyagoo ka wada hadlay arrimaha abaaraha ka jira Somaliland, doorashooyinka iyo horumarka ka jira deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com