Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo wax laga weydiiyay duqeymaha ay Ciidamada Kenya ka geystaan qeybo kamid ah Gobolka Gedo, ayaa waxa uu arrinkaasi ku sheegay waxkama jiraan.
Axmed Madoobe waxa uu beeniyay in diyaaradaha Kenya ay beegsadaan goobaha ay shacabka ku noolyihiin, waxa uuna tilmaamay inay jiraan dad daacad u ah faafinta borobagaandada.
Axmed madoobe waxa uu wareysigiisa ku sheegay in warbaahinta qaarkood ay sheegen warar la xiriira in diyaaradaha Kenya ay mar waliba duqeymaha ka fuliyaan goobo ay degan yihiin dad shacab ah, waxa uuna iska fogeeyay in arrinka noocaasi ah ay Jubbaland wax kala socto.
Axmed Madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay hadii lasoo cadeeyo in diyaaradaha Kenya shacab ku xasuuqeen gobolka Gedo uu isagu mas’uuliyada qaadayo, balse kaliya loo baahan yahay in la helo cadeymo muuqda.
Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu cadeeyay in dhacdooyinka ka dhaca deegaanada Jubbaland ay iyaga mas’uuliyadeeda qaadi doonaan, balse aysan xamili karin in laga beensheego, sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid lagu dafiraayo xasuuqa ay Dowlada Kenya kawado deegaano hoostaga Gobolka Gedo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]