Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Somaliland laga hor istaagay mashaariicda ay helaan maamulada kale.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inaanu jirin xaqiiq muujineysa in Maamulka Somaliland loo diiday Mashruucyada ay helaan inta badan Maamul Goboleedyada.
Waxa uu sheegay in maamulada dalka si siman loo siiyo mashaariicda, balse waxa uu ku baaqay in Maamulka Somaliland fursad loo siiyo in ay helaan Mashruucyada ay helayaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Axmed Madoobe ayaa DFS ugu baaqay inay muujiso garab istaaga Somaliland, si buu yiri looga gudbo tabashooyinka ay muujineyso Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa isku heysta in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxaana weli aysan helin wax Aqoonsi ah oo kaga yimaada Beesha Caalamka.
DFS iyo Caalamka intiisa kale ayaa rumeysan in Somaliland ay qeyb ka tahay Somalia, waxa ayna si joogta ah ugu baaqan inay wax la qeybsadaan DFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]