Kaaliyihii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh oo loo magacaabay Safiir ku-xigeen

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Agaasimihii hore ee hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan ”Kampala” u magacaabay Safiir Ku-xigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Kampala ku bedelay Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo horay xilkan u hayay.

Maxamed Amiin oo xilka laga qaaday ayaa ah Senator ka tirsan Aqalka sare.

Magacaabida Kampala ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo ka dhameeyay Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia.

Sidoo kale, Amb. Jamaal Maxamed Hassan oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guda jira Isbedelada Dowladiisa waxa uuna ku howlan yahay isbedelka Safaaradaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com