Axmed Madoobe ‘’Wey iska cadahay sida uu ku socdo wadahadalka dowlada Ethiopia & ONLF’’

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga hadlay wadahadalka dhowr sano kadib u bilowday dowladda Ehtiopia iyo Jabhadda ONLF.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inaanu marka hore jirin wadahadal fashilmay, waxa uuna tilmaamay in wadahadalka hadda socda uu aad uga duwan yahay wadahadaladii hore.

‘’Ma jiro wadahadal fashilmay ee wadahadalka waa mid socda inkastoo xiisadaha ka jira Ethiopia iyo Iscasilaada Ra’isul wasaaraha uu saameeyay dibna loo furi doono’’

Axmed Madoobe ayaa sheegay in tilaabada wadahadaladaasi ay ku bilowdeen ay tahay mid muhiim ah oo dhameystir u baahan si looga dhabeeyo hadafka dadka Soomaalida ee ku nool kilinka shanaad ee ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Waxa uu Axmed Madoobe sheegay in ka maamul ahaan ay dultaagnaan doonaan wadahadalka inta laga gaaro guul, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Mowqifka Jubbaland uu yahay in leysku geeyo dowlada Ethiopia iyo ONLF oo uu sheegay inay aad u kala fogyihiin marka la’eego dhanka Khilaafka.

Axmed Madoobe waxa uu intaa raaciyay in hannaanka wadahadalada labada dhinac ay u socdan ay tahay si wanaagsan oo natiijo fiican laga filikaro, wuxuuna carab dhabay in wadahadalka uu saameyn ku yeeshay xiisada ka taagan Ethiopia.

Sidoo kale, Axmed Madoobe oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in dhinac waliba ay u furan tahay ka qeybqaadashada sii socoshada wadahadalka labada dhan, waxa uuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo midowga.

Hadalka Axmed Madoobe ee ku saabsan wadahadalada labada dhinac ee Ethiopia iyo ONLF uga socday Nairobi ayaa imaanaya iyadoo wali wadahadaladaasi aysan ka soo bixin wax natiija ah oo ku saabsan wixii looga wada-hada hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com