Ayatollah Ali Khamenei oo dhulka ku jiiday madaxda dalalka Islaamka, sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha dowlada islaamiga ah ee Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, ayaa sheegay inay u muuqaneyso daciifnimo heysata Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka ah.

Khamenei, waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaashu ay yihiin kuwo u go’ay reer galbeedka waxa uuna shaki galiyay aasaaska waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda.

Dowladaha Mareykanka, Israel iyo dowlado kale ayuu sheegay inay ku feeshan yihiin Hogaamiyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dayacay amaanada.

Waxa uu Khamenei, carab dhabay inay muhiim tahay in Hogaamiyayaashu ay dib ugu laabtan waxa uu farayo islaamka, hase yeeshe waxa uu meesha ka saaray in xiligan uu jiro Hogaamiye ay dhab ka tahay waxa uu rumeysan yahay.

Khamenei, waxa uu intaa raciyay in xiriirka iyo wadajir ka muslimiinta ay tahay mid muhiim u ah guud ahaan muslimiinta ku nool caalamka, isla markaana la doonayo in la sameeyo isku xir iyo difaaca diinta.

Mr Khamenei ayaa tilmaamay in midnimada iyo wada shaqeynta muslimiinta ay horseedi karto in nabad waarta lagu soo dabaalo bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka carbeed.

“Waxaa jira dowlado carbeed hadana muslim ah lana shaqeeya reer galbeedka, waxaa shaki ku jira waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda, waa inaanu iska qabanaa kuwa noocaasi ah ee macluumaadkeena la wadaagi kara reer galbeedka”

Sidoo kale, Mr Khamenei ayaa maalinimadii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaa oo ka dhacay magaalada caasimda ah ee Tehran.

Madasha ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweynaha ruushka Vladimir Putin, iyadoo goobta looga hadlay xaalada dalalka muslimka ah oo ay la degtay colaada sokeeye.

Docda kale, Mr Khamenei, ayaa sheegay in midow iyo midnimo dhex martaa muslimiinta ay walaac galineyso dowlado ay ugu horeyso Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com