Xog iyo fallanqayn: Baaqa iscasilaadda MADAXWEYNAHA, dareen cusub oo ku soo kordhay waddanka Soomaaliya

Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa Faallo dheer ka qortay siyaasadda cusub ee ku soo korartay Soomaaliya, is casilaada laga dalbay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanno 100 kor u dhaafayo ayaa soo jeediyay baaq ah in madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu is casilo.

Hadaba maxay yihiin xildhibaanadaas? Dhibaato intee la eg ayay arrintas ku soo kordhin karrtaa xaaladda Soomaaliya ee cakran?

Si lama filaan ah ayay xildhibaano tiradoodu kor u dhaafeyso 100 oo ku shiray Hotel Saxafi ee magaalada Mugadishu war ay ka soo saareen shirkooda waxay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu iska casilo Madaxtinimada, iyaga oo arrintaasi sabab uga dhigay sida ay warkooda ku caddeeyeen in uu ku fashilmay dhammaan balanqaadyadii uu barlamaanka hortiisa ka sheegay doorashadii madaxtinimada ka hor.

Baaqa xildhibaanada oo 14 qodob ka kooban ayay xildhibaanadu faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha uu madaxweynuhu ku fashilmay, waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen, arrimaha ammaanka , oo ay tilmaameen in uu aad uga hooseeyo sidii uu ahaa intii aanu xukunka la wareegin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska hay’adaha dowladda, sida dhismaha Garsoorka, guuddiyadii qaran ee dastuurku dhigayey, maamul gobaleedyada iyo hay’adihii maamulka lacagta ayay sheegeen in uu aad ugu guul darreystay madaxweynuhu.

Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh
Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh

Beesha caalamka

Inkasta oo madaxwenuhu ilaa hadda war rasmi ah arintaan ka soo saarin haddana waxaa xaqiiq ah in ay tahay dhibaato siyaasadeed oo hor leh oo culus oo ku soo korartay madaxweynaha oo ladaalaa dhacayey dhibaatooyin baaxad weyn oo aad ay ugu adkeed in uu wax ka qabto.

Waxaana codsiga iscasilaada madaxweynuhu ku soo beegmay xilli ay beesha caalamku si aada indhaha ugu hayso xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dibna loogu dhisi lahaa hay’adihii dawladda isla markaasina ay ku sugnaayeen magaalda Mugadishu wafdi beesha caalamka ka socday oo shir la lahaa ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh iyadoo isla markaasina madaxeynuhu uu booqashu rasmi ah ku joogey dalka imaaraadka Carabta oo howlo dib u dhis ah ka wada Soomaaliya.

Waxaa warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in mdaxweyne Xasan Sheekh in uu aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray qaar kamid ah xildhibaanadii doortay in kayar laba sono ka hor iyagoo hadalkoodana ku soo beegay xilii uu dalka dibadda uga maqanyahay.

Lama oga sida madaxweynuhu uga jawaabi doono dhibaatadaan ugubka ku ah oo aan la fileynin xiligaan.

Maxay doonayaan xildhibaanadu

Marka lamilicsada magacyada xildhibaanada baaqaan soo jeediyey, waxaa durba laga dheehanayaa in ay isugu jiraan; xildhibaano, jagooyin kawaayey xukuumadda cusub ee Cabdiweli Sheekh, kuwo markii horaba ka soo horjeedey Xasan Sheekh, sida xildhibaanada ururka Islaax ugu jira barlamaanka iyo kuwii taageerayey Sheekh Shariif oo muddaba aad uga careysnaa sida Xasan sheikh iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ee Dam-Jadiid wax u maamulayaan.

Waxaa iyaguna meesha ka muuqda xildhibaano ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo aad uga careysan sida Madaxweynuhu u maamulay maamul u sameynta gobaladaasi oo dadkoodu u kala qaybsameen lix gobal iyo seddex gobol maamulo ku salaysan.

Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha
Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha

Xildhibaano ka careysan xil ka qaadistii Ra’iisalwasaarihii hore Cabdi Shirdoon Saacid ayaa iyaguna ka dhex muuqda kuwa hormuudka ka ah baaqaan, rag damac madaxtinimo leh ayaa iyaguna si buuxda uga qaybqaadanaya ololaha ka dhanka Madxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee in kasta laga yaabo in dadweyne badan ay laqabaan xubnahaan barlamaanka dareenkooda wakiilna ay shacabka ka yihiin, haddana, waxaa dadka u kuur gala siyaasdda Soomaaliya ku dhaliilayaan xildhibaanda in goobtii ay ahayd in hadladaan ay ka soo jeediyaan ay garab mareen oo sidii xisbiyo mucaarad ah ama siyaasiyiin aan gole lahayn oo kale ay u dhaqmeen, waayo waxaa la isweydiinayaa sababta ay baarlamaanka dareenkooda u geyn waayeen iyagoo kor u dhaafaya 100 xildhibaan.

Maxaa keenay in ay ku shiraan gole aan golihii loogu talo galay ahayn?

Dadka qaar ayaa isweydiinaya ma waxaa deeqi waayey xildhibaanada oo ku yaraaday kursigii baarlamaanka markaasi ayey u soo dhigteen shaqadii ururada macaardka iyo siyaasiyiinta aan kuraasta haysan.

Marka meel la iska dhigo eedeymaha Xasan Sheekh ay xubnahani u soo jeediyeen saxnimadooda iyo qaladkoodaba, haddana waxaa cad oo aan qarsoodi ahayn in Madaxweyne Xasan Sheekh, sida dad badan ay sheegayaan in ay ku hingoobeen rajadii ay ka qabeen, hasayeeshee dadka madaxweynaha ku dhaw dhaw ayaa iyaguna sheegaya in madaxweynuhu uu aad u dadaalayo laakiin ay jiraan dhibaatooyin ka tan badan oo u baahan in siwada jir ah loo xaliyo.

Baaqa xildhibaanada ayaa u muuqada in aad loo soo dhaweeyey loona hadal hayo iyadoo islamarkaasina loo soo jeedinayo dhaliil badan xildhibaanada naf ahaantooda.

Sikastaba ha ahaatee, tani waa xiisd siyaasadeed oo cusub oo dareen leh oo Soomaaliya ku soo korartay loona baahanyahay in si wada jir ah ay Soomaalidu isaga kaashadaan si looga gudbo dhibaatada Soomaaliya haysata.

Waxaa kaloo xusud mudan, waxaa la arki jirey baarlamaan xukuumadda dhaliil u soo jeediyo oo la xisaabtamo laakiin waa maxay sababta xildhibaanadu aaney u xusin xukuumadda oo iyadu mas’uul ka ah howlaha lagu eedeeyey madaxweynauhu in uu ku guul dareystay wax ka qabadkooda?

Suaalahaasi iyo kuwo kaleba jawaabahooda maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa.

W/Q: Yuusuf Xasan

BBC SOMALI