Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada ayaa todobaadkii hore mar qura ku soo toosay go’aanka ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku xireyso iskuul 15 May, kuna soo afjartay hawlgalkii waxbarasho ee Masaaridu ka wadeen dalka Soomaaliya. Qaraarka oo ku taariikheysnaa March 7, 2020 ayaa ku socday Sacad Maxamed Juuda oo ah madaxa ergada Masaarida, uuna wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (jaabiri) ku farayo inuu banneeyo iskuulka ugu dambeyn 30-ka April 2020 si loogu wareejiyo machad lagu tababaro gabdhaha macalimiinta ah. Isla warqadda waxaa lagu xusay iney daba socotay qoraal ay wasaaradda sheegtay iney ku codsatay in la soo afjaro hawlsha ergada oo ku taariikheysnaa 10-kii November 2019.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulsha ayaa ku tilmaamay arrinka lagu xiray iskuulka 15 May mid lagu raaligelinayo Itoobiya ayna daba socotay dhiibistii Qalbi-dhagax iyo qaraarkii ay Jaamacadda carabta ee ku aadanaa webiga Nile ee Soomaaliya inta taageertay ay ka laabatay.
Idaacadda Goobjoog News ee magaalada Muqdisho oo u kuurgashay iney jawaab u hesho sababta dhabta ee iskuulka loo xiray iyo cidda xirtay ayaa xiriir la sameeysey dhammaan dadka arrinta iskuul khuseyso iyo inta ku lug lahaa hawsha xirista.
Ugu horreyntii, Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis iskaashi dhanka waxbarashada ku saxiixday Qaahira 13-kii August 2015 kaasi oo dib loogu soo cusbooneysiinayay iskaashiga dhanka waxbarashada ee labada dowladood ee soo bilowday kontomeeyadii qarnigii tagay.
Heshiiskan oo aan helnay waxaa xilligaas qalinka ku duugay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali iyo dhigeeda Masar Dr. Muxib Maxmuud Kaamil waxa’uuna ka koobnaa 13 qodob, oo ay ka mid ahaayeen in labada dhinac iska kaashadaan in dib loo howlgeliyo iskuuladii Masar ee Soomaaliya oo ardeyda wax lagu baro, lagu tababaro macalimiinta, in Soomaaliya ay Masar ku wareejiso iskuuladdii ay ku laheyd dalka lagana bilaabo 15 May, Sheekh Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir, in Soomaaliya ay amniga sugto halka Masarna macalimiinta, manhajka, tababarka iyo dhammaan barnaamijka ay dusha saarato, waxaa kale oo heshiiska ku jiray in wixii khilaaf ah labada dhinac ka wada hadlaan xataa haddii wax laga badalayo.
Heshiiska waxaa uun ka hirgalay iskuulka 15 May oo muddo 3 sano ah ay waxbarasho ka socoto halka Jamaal Cabdinaasir iyo Xasan Barsame aan lagu wareejin dowladda Masar. Masaaridu waxaa ay hirgiliyeen iskuulka 15 May oo hadda ay dhigtaan in ka badan 550 oo ardey oo u badan agoon iyo danyar ee fasalka 1-aad ee dugsi hoose ilaa 7-aad ee dugsi dhexe oo min labo fasal ah, oo ay dheertahay waxbarashada dadka waaweyn, tartan qur’aan, farshaxan, cayaaro kala duwan oo aaney laheyn iskuullada kale ee dalka.
Dugsiga 15 May waxaa hada ka hawl gala 28 macalim oo ku shaqeeya 16 fasal, 4 sheybaar, 3 hool, hal tiyaatar, iyo garoon kubadda cagta oo ay ardada ku cayaaraan.
Heshiiskan ay dowladda federaalka ah laashey waxaa uu ka dhigan yahay ciqaab iyo in waxbarasho la’aan noqon doonaan ardeyda iskuulada 15 May, iyo tiro intaas la eg oo dhigata iskuullo ay Masaarida ka fureen Burtinle(Maxamed Kamaalu-diin Salaax) iyo Galkacyo( Misr Al-xadiisa).
Haddaba, Goobjoog News ayaa ogaatay in iskuulladaas sababta loo xiray oo ardeydaas waxbarashada ku weynayaan ay tahay khilaaf siyaasi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo Puntland oo dhinac ah iyo Masar oo dhinac kale ah.
Mar uu qunsulkii hore ee Masar u fadhiyey Soomaaliya Taamir Safwat safar ku tagay Puntland, lana kulmay madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa Puntland waxaa ay Masar ka codsatay in ay ka taageerto horumarinta waxbarashada ayna u hirgeliyaan iskuul tijaabo ah.
Goobjoog ayaa heshay warqad uu wasiirkii waxbarashada Cabdi Cusmaan Daahir u diray dhiggiisa Masar Dhaariq Showqi, kuna taariikheysan June 6, 2018 isaga oo ammaanay barnaamijka waxbarasho ee Masaaridu ka wadaan gudaha Soomaaliya laakin ka codsaday in aan la qaadin tallaabo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada. Wasiir Cabdi Daahir oo aan warqadda aan wax ka weydiinay waxaa uu sheegayaa in aanu xilligaas khilaaf jirin balse uu ku wargeliyey Masaaridu in wasaaradda la ogeysiiyo shaqada socota, si wax u fududeyso, laguna saleeyo iskuulada la furayo baahida deegaanka. Waxaa muuqata in Masaaridu ay hawlahooda sii wateen iyaga oo bilo kadib iskuulka Kamaalu-diin ka furay Burtinle.
Khilaafka ugu weyn, waxaa uu dhacay kadib kulan Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdigiisa, kulanka oo dhacay November 5, 2018 waxay Puntland dalbatay in laga taageero waxbarashada taasi oo loo balanqaaday, loona xilsaaray madaxa ergada Masar ee Soomaaliya Sacad Juuda oo kulanka joogay inuu daraasad sameeyo.
Maalintii xigtay, Saxaafadda madaxa banaan ee masar ayaa qortay in ay Qaahira ku kulmeen wasiirka waxbarashada Masar iyo dhiggiisa Soomaaliya arrintaas oo ka careysiisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah keentayna in Sacad loogu hanjabay inuusan Muqdisho ka soo dagi karin, walow dadaal ay sameysay safaaradda masar ee soomaaliya lagu fasaxay socdaalkiisa.
Wasiir haatan ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in kulankaas Qaahira iyo heshiiska dhacay aan la waafejin hanaanka dowliga ah ama jidkii sharciga ahaa, oo aaney ka warqabin wasaaradda waxbarashada federaalka ah, wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda isla markaana Masaarida iyo ergadooda ay meel uga dhaceen heshiiskii hore, siyaayadada iyo qarannimada Soomaaliya taasina ay keentay in la laalo heshiiska September 2019, warqadda Sacad loo diray March waxaa uu ku sheegay wasiirku inuu ahaa ogeysiiskii ugu dambeeyey oo ah iney Iskuulka banneeyaan.
Wasiirka mar uu ka jawaabayey su’aal ah: Ma ardey kun ah ayaa loo ciqaabayaa khilaaf siyaasi ah waxaa uu yiri “Ardey awalba Carabi ayey wax ku baranayeen, macalimiin tayo leh looma keenin wax fiicanna lama bareyn, dowladda waxaa ay gacanta ku heysaa ilaa 30 iskuul, xal waa loo heli-doonnaa” isaga oo intaasi raaciyey “Haddii ninka madaxa ka ah ergada ee mashruuca wada uu raalligelin bixiyo, joojiyana waxa uu ka wado Puntland ay dhici karto in dowladda dib uga noqoto heshiiska ay laashay, dibna loo hawlgelin doonno iskuulka 15 May iyo joogista Macaliimiinta Masar.
Xubin ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland ee la kulmay wasiirka waxbarashada Masar ayaa xaqiijiyay ineysan dowladda Masar kula kulmin hannaan dowli ah ayna qarashka safarkooda bixiyeen jaaliyadda Puntland ee Masar deggan, ujeedada safarkooda markii hore uu ahaa tayeynta machad Azhari oo ka furan Qardho, intaa waxa uu ku daray ineysan jirin heshiis cusub ee la kala saxiixday ayse weydiisteen wasaaradda waxbarashada Masar iney taageerto waxbarasahda Puntland iyada oo tixraaceysa heshiiska waxbarashada ee Masar iyo Soomaaliya.
Dhankiisa, Sacad Juuda oo madax ka ah ergada waxbarasho ee Masar ee Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Masar ay ixtiraameyso madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya isagana aanu aheyn siyaasi ama diblomaasi, isla markaana uu fuliyey shaqo ay dowladdiisa u xilsaartay, oo ah inuu daraasad sameeyo, qorshuhuna ahaa in ilaa 8 iskuul oo cusub ka furaan Puntland, kuna sii fidaan dalka oo dhan. Juuda ayaa intaasi ku daray inuu dulqaadkii ka dhamaaday, dareemayo amni darro, uuna sugayo uun in la furo duulimaadka caalamiga si uu dalkiisa ugu laabto, shaqadana uga tago isaga oo sheegay in la xumeeyey mashruuc uu ku taageerayey, kana faa’ideysteen caruurta Soomaaliyeed. Sacad Maxamed Juuda waxaa uu dowladda federaalaka ah ka codsaday in isaga haddii uu caqabad ahaa uu dalka ka baxayo laakin aan la joojin mashruucii ardeyda wax lagu barayey ee ay Masar taageeri jirtay, ardeydana aan la dhigin meel cidlo ah.
Mid ka tirsan wasiirradii hore ee wasaaradda oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in si loo furo machad lagu tababarayo gabdho macalimiin ah loo kala diro kun ardey, isaga oo sheegay in iskuulka oo furan macalimiinta lagu tababari karo hoolalka ama xilliga aaney waxbarashada jirin, waxaana uuna isweydiiyey halka ay ka baxeen iskuuladii Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdinaasir oo laga sugayey dowladda iney wareejiso sida heshiisku ahaa.
W/D: Cabdi Caziz Gurbiye iyo Xasan Sinney
Goobjoog News