Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waa burburay

Baarlamaanka Soomaaliya waa burburay waana lumiyay awooddii sharci-dejinta ee dalka.

Arrintaas waxaa sabab u ah qaybta baarlamaanka ee laga dhigay wasiiradda oo ku tunta hawsha baarlamaanka, markastana horjoogsada hawsha baarlamaanka ee danta u ah dalka iyo dadka.

Waxay sidaas u sameynayaan iyaga oo u adeegaya danta nidaamka dalka ka jira ee dawladnimadii Somalia majara-habaabiyay. Xukuumadda ayaa lagu burburiyay awooddii baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa burburtay kala madaxbanaanida baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka oo loo baahnaa inuu mid kastaba xakameeyo isla markaana ilaasho midka kale hadduu khalad ama gef dawladnimo galo. Awoodihii sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka ayaa wada galay hal gacan, taas oo astaan u ah keli-talisnmo fool-xun oo dalka ku soo fool leh.

Waxaa loo baahnaa in la kala ilaaliyo saddexda hay’adood ee nidaamka dawladnimadu ku dhisan yahay kuwaas oo kala ah baarlamaanka (sharci-dejinta), fulinta (xukuumadda) iyo garsoorka (maxkamadaha) sida ka jirta caalamka.

Meesha waxaa ka baxay isla-xisaabtankii dawladnimo ee seddexdaas hay’adood, waxaana bedelay keli-talisnimo fool-xun oo u baahan in dhakhso la iskaga badbaadiyo inta aanay xididaysan.

Xubnaha baarlamaanka ee leh damiirka wadaninimo waxaa la gudboon inay iskaga wada baxaan baarlamaankan aan jirin kana qaybgalaan kacdoon siyaasadeed oo isbedel doon ah si dalka iyo dadka looga badbaadiyo geerida joogtada ah iyo keli-talisnimada.

W/Q: Ibraahim Hassan 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid