25.1 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Imisa xubnood ayey ka kooban yihiin guddiga doorashada Galmudug?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee xarun KMG Maamulka Galmudug kullan gaara ku yeeshay Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Inta uu socday kullanka ayaa waxaa Xildhibaanada BMG la horgeeyay Xubnaha Guddigii Doorashada Madaxweynaha oo horey u dhisnaa.

Xildhibaanada ayaa Guddiga Doorashada ka saaray xubno dhowr ah, sidoo kalane ku biiriyay Xubno cusub oo la sheegay inay khibrad u leeyihiin Howlaha Doorashooyinka.

Guddiga Doorashada ayaa ka kooban 13 xubnood, waxaana Guddiga aqbalay Xildhibaanada BMG oo sheegay in looga baahan yahay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda ku aadan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa Guddiga ugu baaqay inay u shaqeeyan si xalaal ah isla markaana ay ku dheehan tahay Cadaalad.

Geesta kale, Cali Gacal Casir, waxa uu sidoo kale Guddiga ugu baaqay inay u guda galaan Howlahooda shaqo, isagoo ku baraarujiyay in gacantooda uu ku jiro masiirka shacabka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News