Xog: Beelo ku dagaalamaya xilalka taliyayaasha booliska, NISA iyo militariga + Magacyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa inta badan jirto hadal heyn weyn oo ku aadan in la badali doono dhammaan Taliyayaasha ciidamada nabadusgidda, Booliska iyo Militariga oo qaarkood aysan xilkaas usii heyn karin sababo xagga awood qeybsiga beelaha haddii la ansixiyo golaha wasiirada cusub ee la isku heysto.

Haddaba waxaa Muqdisho ka bilawday loolan adag oo loogu jiro xilalkaas waxaana xod xodasho badan wado beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed kuwaas oo ay macquul tahay inay xilkaas helaan marka la fiirinayo awood qeybiga 4.5.

3  Taliye ayaa loolan adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen xilka Taliyaha Ciidamada Boolsika Soomaaliyeed,  waxaana liiskaas ku jiro General Cali Xaashi Baraale oo ah sarkaal  hore oo xilal ciidan oo kala duwan kasoo qabtay dowladdii Allah u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Cali ayaa ku noolaa dibadda sanadihii ugu dambeyey, waxaana la sheegayaa inuu yahay shaqsi aad ugu dhaw xilkaas inkastoo aan la xaqiijin karin, wuxuuna ahaa nin aan ku dhex jirin arrimaha ciidamada sanadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Beelaha Abgaal iyo Daarood ayaa loolan adag ugu jiro sidii ay midba u heli laheyd xilka Taliyaha Hey’adda Sirdoonka qarank iyo nabadsugida, waxaana la saadaalinayaa inay xilkaas qaadan doonto Lafta Wacbuudhan ee ka tirsan Beesha Abgaal.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa howlgab ayaa loolan adag ugu jiro sidii uu u heli lahaa xilka Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya, lamana saadaalin karin qaabka ay arrintaas ugu suurtageli karto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa la sheegay inuu Indha Cadde garab weyn ka helayo, wuxuuna Shariif doonayaa in xilkaas la siiyo inkastoo uu xil ka waayey Indha cadde dowladda sanadihii ugu dambeeyey iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijiyey waxa ugu wacan.

Waxaa la filayaa in magacaabista iyo xil ka qaadista lagu dhawaaqo kadib ansixinta wasiirada maadaama ay xiriir isla leeyihiin, waxaana laga warsugi doonaa go’aanka uu madaxweynaha qaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com