Yaa kamid ah wasiirada uu Kheyre ku cadaadinayo la macaamilka xildhibaanada mooshinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda kullamo gaar gaara oo u dhexeeya qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada BFS ee ku midoobay Mooshinka ka dhanka ah Wasiirada.

Wasiirada ayaa Xildhibaanada ka dalbanaaya inay meelmariyaan si ay usii wadaan howlaha horyaal Qaranka.

Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa kamid ah Wasiirada lagu cadaadinaayo inay xal u raadsadaan Xildhibaanada kasoo horjeeda.

Wasiirka Amniga magacaaban Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo caqabadaani ay saameyn ku yeelan doonto ayaa sheegay in Xildhibaanada BFS laga doonaayo inay u diir naxaan shacabka oo ay meelmariyaan.

Ducaale, waxa uu sheegay in Caqabado badan ay ka dhalankarto haddii ay dhacdo in lagu adkeysto go’aanka lagu diiday kamid noqoshadooda Golaha Wasiirada.

Wasiirka magacaaban ee war faafinta Soomaaliya C/raxmaan Yarisow, oo isna kamid ah Wasiirada la kulmay Xildhibaanada ayaa warbaahinta u sheegay inay nasiib darro tahay in sabab la’aan loo diido Wasiirada.

Waxa uu sheegay in Wasiirada aysan wali qaban wax shaqo ah, isla markaana uusan garankarin sababta looga soo horjeedo.

Geesta kale, waxa uu sheegay in arrintaani ay ku xalin doonaan wadahadal hoosaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com