Baarlamaanka iyo guddiga doorashada Jubbaland oo go’aan cusub ku dhowaaqay

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddoonka cusub ee baarlamanka labaad ee Jubaland iyo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland, ayaa laga soo saaray go’aan ku saabsan cidda hoggaamineysa doorashada madaxweynaha.

Labada dhinac ayaa waxey isku waafaqeen in baarlamanka lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada madaxweynaha, iyadoo guddiga madaxa banaan ee xaduudaha iyo doorashooyinkuna kala shaqeeyaan dhinaca farsamada iyo hawlaha kale ee looga maarmi waayo.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay beesha caalamku codsatey in doorashada madaxweynaha Jubbaland uu baarlamaanku kaalin muuqda ku yeesho.

Dhinaca kale, baarlamanka iyo guddiga ayaa sheegay inaan waxbo laga badaleynin habraacyadi iyo jadwalka doorashada, oo la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan August.

Haddaba hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday baarlamanka