Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay qodob u diidaya inay ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta Kismaayo ku yeesheen xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sibedel ku sameeyeen qodob sheegayay in xildhibaanada Jubbaland ay ku kulmi karaan meel ka baxsan Kismaayo.

Xildhibaaanda ayaa intii uu kulankoodu socday waxa ay cod u qaadeen qodobkaas iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay waxkj bedeka qodobkaas,iyaga oo ka dhigay in xiligaan wixii ka damebeeya aysan ku kulmi Karin xildhibaanada meel aan aheyn Magaalada Kismaayo.

Wax ka bedelka qodobkan oo dib u eegistiisa ay muddooyinka soo socotay ayaa la sheegay inuu ahaa cadaadis ka yimid Madaxtooyada Jubbaland oo u arkayay in qodobkaas halis ku ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, hadii Xildhibaanada Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo.

Illaa 38 Xildhibaan ayaa ansixiyay wax ka bedelka qodobkan mamnuucaya in Baarlamaanka Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa la sheegaa in aanay laheyn xoriyad ay ku soo bandhigaan aragtidooda siyaasadeed, iyo si toos ah aysan ula xisaabtami karin Golaha Wasiirada iyo Madaxda Jubbaland.

Horay ayaa waxaa loo xiray xildhibaano dhowr ah oo dhiibtay aragti Siyaasadeed,qaarkood la musaafuriyay halka qaar xasaanadii xildhibaanimo lagala laabtay.

Sidoo kale waxaa horay u jirtay in gebi ahaanba uu meesha ka baxay mooshin ay Madaxweyne Axmed Madoobe ka gudbinayeen tiro xildhibaano ah oo ka tirsan jubbaland kadib cadaadis iyo cagajugleyn uga timid Madaxtooyada,iyada oo xildhibaankii ugu dambeeyay ee la xiray uu ahaa Axmed Taajir oo markii dambe xubintii xildhibaanimo uu iska casilay.

Isku day Xildhibaanada ku doonayeen inay  mooshin uga keeneen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa la fashiliyay, kaddib cadaadis iyo hanjabaad loo jeediyay, waxaana la xiray Xildhibaankii hormuudka u ahaa ololahan, kaasoo aakhirkii ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com