Baarlamanka oo ansixiyay heshiiska maxaabiis isku celinta ee Soomaaliya iyo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Somalia ayaa maanta ansixiyay heshiiska maxaabiis isu celinta ee ay kala saxiixdeen dowladdaha Somalia iyo Hindiya, waxaana heshiiskaan ogolaaday 161xildhibaan oo fadhiga baarlamaanka xaadir ku ahaa.

Wasaaraddaha arrimaha dibada ee dalalka Somalia iyo India ayaa bishii Agoosto ku heshiiyay isdhaafsiga maxaabiista labada dal.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan oo shir guddoominayay kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in heshiiskaani yahay mid ansax ah, wixii hadda ka danbeeyana looga fadhiyo wasaaradda arrimaha dibada dhaqan gelintiisa.

Wuxuu heshiiskan qeexayaa in maxaabiista Soomaalida ee xukunka ku dhacay kuna xiran dalka India in loo soo wareejiyo dalkooda oo ay ku dhameystaan xukunkooda.

Boqolaal maxaabiis gaaraya oo loo heysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo ayaa ku xiran dalka India, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ku haysta xabsiyada ay ku jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com