26 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Sawirro hordhac ah: Dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay isgooyska Zoobe ee bartamaha magaalada oo ah isgooy aad u mashquul badan.

Wararku waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarka ismiidaaminta, waxaana dhaawacu uu kor u dhaafayaa 50 qof.

Meydadka ugu badan ayaa ku hoos jira dhismooyinka ku yaalla Isgooyska, gaar ahaan kuwa ganacsiga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Zope, waxaana xiligan halka uu qaraxu ka dhacay ka taagan jahwareer aad u xoogan, waxaana laamiga Isgooska Zope daadsan meydadka dad badan oo dhintay.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul ah,waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.

Dhismaha hoteelka Safari ayaa lagu soo waramayaa in uu dumay, waxaana la sheegayaa in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray xafiiska bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News