25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Jibriil oo maanta la buuxiyay – Yaa loo dhaariyay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta buuxiyay kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo haatan ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari.

Kursigan ayaa maanta loo dhaariyay Axmed Jaamac Maxamed Idiris oo si rasmi ah u noqday mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Golaha ayaa sheegay in buuxinta kursigaan loo maray habraacyadii sharciga ahaa ee loo baahnaa, ee uu dhigayo xeer-hoosaadka golaha iyo dastuurka Puntland.

Xildhibaan Axmed Jaamac Idiris ayaa hore uga mid ahaa xubnaha sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Khibraddiisa ku aaddan doorashooyinka iyo maamulka ayaa la filayaa inay gacan ka geysato kor u qaadidda hufnaanta iyo nidaamka baarlamaanka.

Cabdirashiid Jibriil oo mar soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa bishii July ee sanadkan iska casilay xubinta xildhibaanimo.

Is-casilaaddiisa ayaa timid kadib markii uu si toos uga qeyb qaatay dhismaha maamulka Waqooyi Bari oo si weyn u diidan tahay, kaasi oo uu markii dambena uu ka qabtay xilka madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Maalmo kadib is-casilaadda Jibriil, Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu xil ka xayuubin ku sameeyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Fadhigii 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen aqbalaadda luminta xubinnimada golaha ee Cabdirashiid, sida markaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha.

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa iyadna markaas kusoo eedeysay Cabdirashiid inuu ku kacay fal dambiyeedyo cad-cad ah oo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland.

Cabdirashiid ayuu maamulka Saciid Deni ku eedeeyay inuu waday abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag, markaas oo ay socotay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Si kastaba, Xildhibaan Axmed Jaamac ayaa hadda la filayaa inuu si buuxda uga qeyb qaato doodaha, go’aamada iyo ansixinta sharciyada muhiimka ah ee hortabinta u leh Baarlamaanka Puntland, taasoo ka mid ah waajibaadka ugu weyn ee xildhibaan kasta oo ka tirsan golahaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News