Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka gaaray wasiiradii uu Gaas Magacaabay

Garoowe (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Gaas, kulanka waxaa joogay Madaxweyne Gaas oo ka codsaday xildhibaanada in duuduub lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.

Cod ayaa la geliyey Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacan taag ah ayaa loo qaaday Xasaanad siinta Golaha cusub.

61 xildhibaan ayaa codsiiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3 xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay cod u qaadeen Xukuumadda, waxaana cod gacan taag kaddib ogolaatay 61 Xildhibaan, halka 3 Xildhibaan ka aamustay.

Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Gaas oo gaaraya Kontomeeyo Wasiir ayaa u badan xubnihii kalsoonida lagala laabtay oo kaliya Wasaaradahooda loo kala bedelay, iyadoo 4 Wasiir kaliya ay ku cusub yihiin.