26.6 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Baarlamanka Puntland oo xasaanadii ka xayuubiyay Cabdirashiid Yuusuf Cawl

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa maanta xil ka xayuubin ku sameeyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, kaasi oo Axaddii ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimadii golahan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhigan oo ahaa kii 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen aqbalaadda luminta xubinnimada Golaha ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha.

Waxaa oggol ugu codeeyay 38 Mudane, halka 1 Mudane uu diiday, waxaana ka aamusay Afar Mudane oo kale.

Cabdirashiid Cawl ayaa dhawaan shirweynaha dhameystirka SSC-Khaatumo uga dhawaaqay inuu iska casilay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland, kadib markii ay Maamulka Deni isku seegeen dhismaha SSC iyo deegaanada ku midoobaya maamulka cusub.

Tallaabada uu maanta qaaday Golaha Wakiillada Puntland ayaa daba socota codsi xil ka xayuubin oo Xeer Ilaalinta Puntland hore ugu gudbisay, si Cabdirashiid Cawl loogu qaado dacwad ciqaab ah, kadib markii ay ku eedeysay inuu ku kacay fal dambiyeedyo cad-cad ah oo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland.

Warqad laba maalin ka hor kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, una muuqatay in taariikhdeeda laga dhigay asbuuc ka hor, ayaa waxa uu Golaha Wakiilada Puntland uga codsaday inay fudeydiyaan soo qabashada Cabdirashiid Cawl, maadaama uu ahaa Xildhibaan xasaanad leh.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland asaga oo gudanaya xilkiisa ku xusan qodobka 105-aad ee Dastuurka dowladda Puntland wuxuu halkaan kugu soo gudbinayaa codsiga ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ku kacay lugta kula jira fal dambiyeedyo cada cad oo uu ku waxyeeleynayo amniga guud ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdirashiid ayuu maamulka Saciid Deni ku eedeeyay inuu wado abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag. “Sida ka muuqata hadaladiisa iyo sawirradiisa uu ku faafiyay baraha bulshada isaga oo tuute ciidan xiran wuxuu wadaa abaabul ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News