Baarlamanka Hir-Shabelle oo ku kala JABAY go’aan uu qaatay Waare

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay aad uga soo horjeedan go,aankii maamul gobaleedyada ee kasoo baxay shirka Kismaayo.

Xildhibaanada maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle aysan ku raacsaneen go,aanka uu ka qaatay dowlada Somalia ee laga soo maanguuriyay shirka.

Waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in Waare uu kaligiis qaatay go’aanka oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi aawgeedna ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo.

Waxa ay sheegen Xildhibaannadan in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare ay muujineyso kalsooni darada kala dhexeysa maamulkiisa islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo.

Xildhibaanada oo arrintaasi shir ka yeeshay ayaa sheegaya in Waare uu qudhiisa dayacay amniga iyo nidaamka maamulkiisa, siadaa aawgeed uusan xaq u laheyn inuu ka hadlo khaladaadka yaryar ee kadhaca dowlada.

Waxa ay tilmaameen in Waare uusan deegan ku aheyn halka uu ka taliyo, isla markaana laga doonaayo in marka hore uu hagaajiyo maamulkiisa kadib uu dhaliilo madaxda ka sareysa.

Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in Waare ay ku raacsan yihiin go’aanka uu kala midka yahay maamulada kale ee ka jira dalka.

Xildhibaanada taabacsan go’aanka Waare ayaa tilmaamay in HirShabeelle ay ku go’aan tahay maamulada kale, isla markaana ay adeecsan yihiin qodobada kasoo baxay shirka Kismaayo.

Qodobada laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Dhinaca kale, waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.

Caasaimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com