Halka madaxweyne Geelle iyo Afwerki ay isku arki doonaan oo la shaaciyey

Addis Ababa (Caasimadaa Online) – Waxaa lagu wadaa in si rasmi ah loo soo afmeero khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo gaaray heerkii ugu xumaa.

Gogosha lagu soo afmeerayo Khilaafka labada dowladood ayaa la sheegay inay taalo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu ka furmi doono shirka IGAD.

Gogosha lagu heshiisiinayo Eriterea iyo Jabuuti ayaa waxaa ka qeybqaadan doona Madaxda wadamada qeybta ka ah IGAD.

Madaxweynayaasha Eriterea Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Geele ayaa xalinta khilaafkooda kadib la filayaa in ilaa iyo bari danbe ay Heshiis ku kala saxiixdan magaalada Addis Ababa oo maanta arbaca ah uu ka furmi doono shir ay yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ajendayaashiisa ka mid ah in lagu saxiixo heshiiska kama dambeysta ah ee ay gaareen dhinacyada dalka South Sudan iyo in Ururka ay dib ugu soo biirto Dowladda Eritrea oo tobankii sano ee la soo dhaafay ka maqneyd.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegayaa in halkaas lagu dhexdhexaadin doono iyada oo ay horay u jirtay in labada dalba Madaxweynayaashooda ay casuuntay dowladda Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia ayaa horay usii shaacisay in gogasha Heshiisiinta labada dal ay taalo magaalada Addis Ababa, iyadoo ay garwadeen ka yihiin dowladaha Somalia iyo Ethiopia.

Caasimadaa Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com