Waa maxay ujeedka safar ee Farmaajo ee Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha fooda nagu soo heysa uu u ambabaxo dalka Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa dalka Ethiopia ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada, waxaana laga sugayaa magaalada Addis Ababa.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya ka qeybgalka shir ka dhacaya Addis Ababa iyo kulanka lagu heshiisiinayo dowladaha Eriterea iyo Jabuuti.

Shirkaas oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa ka horeeya shir gaar ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibada Wadamada IGAD,iyada oo toban Sano kadib shirkaasi uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Dowladda Eritrea Afwerki.

Dowlada Somalia ayaa qeyb weyn ka ah dowladaha xiriirka ka dhex abuuraya Eriterea iyo Jabuuti oo sanado dhowr ah uu xiriirkooda ahaa mid sii xumaanayay.

Geesta kale, Farmaajo ayaa kamid noqon doona madaxda ku nagaan doonta magaalada Addis Ababa inta dowladaha uu muranka u dhexeeyo ka kala saxiixanayan Heshiiskooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com