Baarlamanka oo shaaciyay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo R/W XAMZA

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah oo Sabti ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maalinta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulanka berri ayaa la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.