Baarlamanka oo soo saaray go’aan dib usii dhigay R/W noqoshada Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Somalia, ayaa soo saaray go’aan dib u dhigaya ra’iisul wasaare noqoshada Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo iminka xilkaasi loo magacaabay, balse aan weli si rasmi ah u noqon.

Si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee Somalia, Cabdi Weli waxa uu u baahan yahay in baarlamanka Somalia uu ka helo ansixin, hase yeeshee taasi iminka waa inuu sugaa waqti kale.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa sheegay inuu dib u dhigay cod qaadista Cabdi Weli oo lagu waday inay dhacdo berri, wuxuuna sheegay in Sabtida soo socda uu codka kalsoonida u qaadi doono raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xoghayaha guud ee baarlamanka Soomaaliya, Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) ayaa warbaahinta u sheegay in arrimo farsamo dartood dib loogu dhigay cod u qaadista raysul wasaaraha.

Waxaa lagu waday inuu raysul wasaaraha hor tago baarlamaanka berri oo Arbaco ah.

Sabtida soo socota waxay bisha December ku beegan tahay 21.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii December, 2013, xilka raysul wasaaraha u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna beddelay raysul wasaarihii ka horreeyay Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo waayay codka kalsoonida ee baarlamaanka muddo sanad ah oo uu xilka hayay kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com