28.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Baarlamanka Puntland oo diyaariyey mooshin xasaasi ah xilli ay kasii dartay xiisadda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay baarlamanka.

Dowladda Puntland ayaa Sabtidii maxkamadda u gudbisay qoraal ay kaga dalbanayso in ay go’aan ka soo saarto arrinta baarlamanka uu ku dhaqaaqay.

Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.

“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Tallaabada maanta ay damacsan yihiin xildhibaanada ee ka dhanka ah maxkamadda ayaa haddii ay ka dhabeeyaan waxay kasii dari doontaa xiisadda siyaasadeed ee Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News