Baarlamanka Puntland oo go’aan culus soo saaray iyo DENI oo jawaab ka bixiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan ka yeeshay Garoowe ayaa diiday inay ansixiyaan dhamaan xubnaha garsoorayaasha ee uu dhawaan madaxweyne Saciid Deni u magacaabay maxkamadda sare maamulkaasi.

Ugu horeyn kulanka golaha ayaa waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo ku aadan ansixinta xubnaha hoggaanka maxkamadda sare ee Puntland.

Sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka waxaa codeysay 43 xildhibaan, waxaana  ka hor yimid 11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, sidaas daraadeed xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare Puntlabnd ayaa kalsoonida ku heli lahaa 34 mudane.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo jawaab deg-deg ah bixiyey ayaa ku gacan-seeray go’aanka baarlamaanka, wuxuuna markale dib u magacaabay xubnaha la diiday ee maxkamadda sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay isla xubnihii la diiday, oo uu guddoomiye u ah Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).

Tallaabada uu qaaday Deni ayaa muujineyso inuu ka carooday go’aanka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ku diideen xubnaha maxkamadda sare ee mamaulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad
Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.
Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD