Baasaboorka Somalia & mashaqada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Sirdoonka Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay tiro dhalinyaro ka ganacsan jiray sameynta Baasaboorada Soomaaliga iyo lacagaha dollar-ka ee la dhaqo.

Dhalinyaradaasi la qabtay ayaa la sheegayaa inay isugu jireen kuwa kasoo jeeda Koonfurta Somalia iyo Hargeysa, iyadoona aqalka ay Magaalada Hargeysa ka degnaayen laga helay Baasabooro farabadan iyo lacago dollar ah oo la dhaqay.

Kooxda ayaa ku shaqeyn jireen guri ku yaala xaafada Siinaay, waxaana dabagal kadib ay Sirdoonka ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan iyaga iyo qalabkoodiiba.

Ciidamada waxa ay gacanta ku dhigeen shabakad kale oo ka kooban laba ruux oo u dhashay Dalka Nigeria, kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan lagu qabtay Lacago dollar-ka Madow oo ay dhaqayeen, waxaana iyaga iyo qalabkoodiiba loo gudbiyey Hay’adaha Amaanka.

Magaalada Hargeysa waxaa ka socda ganacsi dhinacyo badan leh, kasoo ay ku dhex jiraan kuwo sharci ahaan mamnuuc ah, waxaana qaarkood gacanta kula jira Ajaanib kala duwan oo u soo shaqo tagay Deegaanada Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com