SOOMAALIDA DAD AAN DOWLAD LAHAYN !!!!!

Somaliya waa dal dowlad leh laakin dadweynuhu dowlad ma laha. Dowladdu waxay leedahay shuruudo lagama maarmaan ah si adduunku u aqoonsado ..Waxa shuruudaha ka mida inay ledahay dad iyo degaan u gaar ah oon cidina la wadaagin.  Haddaba dadweynaha Somaalida waxaa ka maqan daryeelki iyo adeegi dowlad looga baahnaa..waxaa la hubsaday in dowladihi soo maray dalkaan aysan midina  weligeed ku tallaabsan wax tix gelin ah xagga dadweynaha Somaliyeed ee manta dunida ku kala daadsan, cid u maqan ama ay wax ka sugayaan ma jirto. Nin waliba godka uu ku jiro cidi uguma tagto, ma tirsana oo lama arag dowlad taqaanna tirada dadka  ku nool qaaradaha adduunka…qaarkood waxay ku sugan yihiin nolol aad u qallafsan oo haddii ay heli lahaayeen dowlad la socota xaaladahooda ay ka yaraan lahayd dhibaatada  ku heysata dibadaha.

Waa run inay jiraan ururro isku sheega SOMALI COMMUNITY oo ka kooban jufooyin hoose ay dadka meesha deggan u kala baxaan, waxaase su’aashu ka taagan tahay waxtar ma leeyihiin oo baahida ay qabaan dadweynaha meesha ku nool cid isku xilqaanta ma jirtaa ama xataa ka hadasha.  Wadamada qaarkood sida Mareykanka,  iyo waddamo kale oo Yurub ah, waxaa ururrada la aqoonsan yahay la siiyaa lacago ay ku qaataan inay fuliyaan adeegyada bulshadu u  baahan tahay oo lagu magacaabo “social services”… si dadka loo siiyo tababarro xagga harqaanka, kombiyuutarka, luqadaha  i.w.m. si loo baro xirfad uu qofku ku shaqeysan karyo marki baahi timaado…lacagtaas maxaa lagu qabtaa?

Somalida dibadaha ku nool hantida ay xawilaan waxaa ka fa’iideystay Ethiopia & Kenya oo ay ka soo gasho hanti aad u badanoo ah HARD CURRENCY, dadki meesha ku noolaana ay la kulmaan cariiri dhinac walba ah, ha ahaato xagga nolosha ama xagga safarka dibadaha oo marka ay ka dhoofayaan dalalkaas, si ay ugu biiraan reerahooda, dowladda Ethiopia waxay ku soo rogtay canshuuro aad u fara badan oo aysan dadku bixin karin.  Maxaa diiday in dowladda Somaliya ay ka codsato dalalka ay badanaaba Somalidu u dhoofaan inay safaaradaha bixiya visooyinkaas ay dalka soo degaan si loo frududeeyo dhoofidda xaasaska, dowladdana ay uga fraa’iido canshuuro macquul ah.

Haddaba, bal aan ka hadalno dhibaatooyinka heysta QURBA JOOGTA oo nooc waliba leh, cid arrimahooda daba kacda oo dowlad ahna ma jirto…maxaa diiday in loo magacaabo masu’uul qaabilsan arrimahaas lana siiyo magac ah MAAREEYAHA QURBA JOOGTA si loola socdo dhibaatooyinka heysta dadka ama ha ahaadeen qaar sharciga loo diiday oo wadamada qaar ku rafaadsan, ama qaar xabsiyada ku jira, ama dariiqyada dawarsada sida kuwa ku nool Latiin Ameerika iyo meelo ka mida qaarada Aasiya.

Waa lagama maarmaan in la helo shakhsi daacad ka ah arrintaan oo xilkaas loo magacaabo, waxaana iga talo ah in loo dhiibo shaqadaas Prof: MAXAMAD CUMAR DALXA oo ah qof aqoon u leh shaqada, awood fiicanna leh uu wax ku fuliyo haddi la adeejiyo. Horey ayuu howlo noocaan ah ka soo qabtay waddamo badan ay Siiriya ka mid tahay isagoo xabsiga ka soo deeyay dad ku xirnaa dalkaas iyo meelo kale oo badan, cid howshaa u dirtayna aysan jirin.

Dalxa shakhsiyan uma aqaani waxaanse la dhacay aragtidiisa iyo dadaalka mar kasta uu muujiyo oo ay masu’uuliyad ku dheehan tahay.  Uma baahna in mushahar iyo miisaaniyad loo qoondeeyo, waxaana ku filan kan xildhibaannimo, oo lagu kordhiyo gunnooyinka safarka  iyo tikidhada.

Sababta aan sidaa u leeyahay waxay tahay iyadoo ay jirto WASAARDDA SHAQADA oon wax shaqo ah ummadda u heyn..xasuuso maqaal aan ka qoray 18.06.2014 oo cinwaankiisu ahaa wasaaraddaani  maxay qabataa? Waxaa jiray filosoofki la dhihi jiray Mark Twain (American contemporary Philosopher) hal-ku-dheg laga soo weriyay oo ahaa (nulla e’ stato creato invano ma la mosca ci e’ andato vicino) oo micnaheedu yahay (MAJIRAAN WAX BILAA MICNO LOO ABUURAY WAXAASE KU SIGTAY TIXSIGA) isagu gaaluu ahaa mana aqaanin xikmadda uu Ilaahey u abuuray taasoo Ilaahey ku sheegay aayad ka mid ah suuratul Baqara.

Taas waxaa la mida Wasaaradda Shaqada oon cidina aqaanin waxa loo abuuray!!! Waxaa ku filneyd in laga dhigo WAAXDA SHAQADA (Department of Labour) sidii beri samaadkii, kacaanka ka hor, oo ay qayb ka ahayd wasaaradihi berigaa jiray. Waxaa dhacday in R/Wasaaraha, iyo weliba afar wasiir oo kale, uu arrimaha dibadda ugu horeeyo,  ay socdaal ku tageen dalka Qatar, lana kala saxiixday dowr heshyiis oo salkoodu, sida aan filaayo, yahay horumarinta dalka..waxaa la yaab leh in Wasiirka Shaqada uusan xataa wafdiga ka mid ahayn, si shaqaale naloogu qaado inay ka shaqeystan dalkaas oo manta adduunyada oo dhan ay shaqo ka heshay . Amiirka Qatar ayaa, usbuuci hore, socdaal dheer ku soo kala bixiyay waddamada Hindiya, Pakistaan iyo Sri Lanka oo weydiistay Amiirka in shaqaale loo qaado si ay uga helaan wax ay ku debberaan noloshooda iyadoo dowladahana ka helayaan waxa loo yaqaanno HARD CURRENCY.

Haddaba, su’aasho waxay tahay wax intaa garta dowladda ma laga waayay?  Qofki garta ama ka hadla ma laga maqlaa!!!  Dowlad talo qaadata ma jirtaa mase waa dad raba inay maqlaan codkooda oo kaliya?

Dadka Somaaliyeed dowlad u maqan ma jirtaa?  Maxayse ugu maqan tahay ay ka sugi karaan?  Dadki laga rabay inay ummaddaan u adeegaan waxay ku mashquuleen doorasho iyo derajooyin inay gaari doonaan aan la hubin..waxaan ku soo khatimeynaa xikimad laga soo weriyay Cumar Ibn Cabdelasiis oo lagu magacaabo Khaliifki 5aad, oo xilligiisi la soo sheegay inay dhalatay bishi soonfur oo la soo sheegay iyadoo habeen ah, caruurtiisina uusan dharki ciida uu iibin. Markaasaa wasiirki maaliyadda oo la joogay ku yiri “ Yaa Amiiral Mu’uminiin aan kuu hormariyo mushaarka bisha soo socota si aad dhar ugu iibiso ilmaha” Wuxuu ugu juawaabay “ Yaa kuu sheegay inaan gaari doono bisha dhamaadkeeda oo aan mushahar muteysan doono?

Waryaa idiin ballanqaaday inaad gaareysiin bisha august 2016?   Maanta howlihi dalka oo dhan waxaa loo wareejiyay sidi nin waliba ku soo laaban lahaa marka la gaaro tariikhdaas oo aad mooddo inay isku fuuqsatay hammiga siyaasiyiinta iyo madaxda  dalka oo dhan.  Waxaad ilaawdeen howlihi dadweynaha loo haayay oo dhan waxa laysu habar wacday is-xulufeysi iyo abuurid axsaab siyaasadeed oon wax ujeedda ah lahayn, oo sharcigi nidaam lahaa ka soo hormaray…Ilaahey waa waa ugu deeqi karaa, dalkaan iyo dadkiisa, kuwo ka duwan inta manta horboodeysa siyaasadda soomaaliya.. Ilaahow naga soo gaar!!! 

Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com