Xog: Mareexaan oo ka carooday Dhuusomareeb iyo beesha Ceyr oo sharuud hor dhigay XASAN

Galgaduud (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud wararka aan ka heleyno ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay isaga dhaqaaqeen odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Mareexaan  oo ka qeyb galayay shirkii ka dhacayay magaaladaasi.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in waxgaradka beeshaasi ay ku laabteen degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbal oo markii hore ay ka tageen kadib markii ay caroodeen.

Xubnaha ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ee ku laabtay Caabudwaaq ayaa la sheegayaa iney ka caroodeen kadib markii ay ogaadeen in shirka maamul u sameynta uu ka dhacayo magaalada Cadaado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxgaradka kasoo tagay magaalada Dhuusomareeb ay ku qanciyeen dadka ayku laabteen inuu soo idlaaday shirkii dib u hishiisiinta laakiin ay shacabka kala tashanayaan go’aanka ay ka qaadanayaan maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Dhanka kale Caasimada Online, ayaa ogaatay in waxgaradka Beesha Ceyr ay hordhigeen madaxweynaha Soomaaliya shan qodob oo looga baahan yahay inuu saxiixo ka hor shirka.

1 in caasimada maamulka gobolada dhexe tahay DHuusomareeb

2 in madaxweynaha lagu doorto Cadaado uu horay ka imaanayo Dhuusomareeb si uu ugu shaqeeyo

3 In Ahlu sunna iyo dowlada ay hishiis buuxa kala saxiixdeen oo Ahlu sunna laga qeyb galiyo maamulka la dhisayo

4 In dowlada ay siideyso Xasan Sheikh Aweys

Iyo in shirka lagu qabto magaalada Cadaado, qodobadaasi markii la saxiixo kadibna shirka loo wadi aadi doono magaalada Cadaado.

Banaanbaxa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb waxaa qaban qaabiyay waxgaradka beesha Mareexaan oo ka carooday kadib markii ay ka war heleen in Beesha Ceyr ay kaga baxday hishiiskii hore ee ahaa in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

La soco waxii kuso kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com