Aqriso sidii xildhibaanada J/hoose iyo J/dhexe ay u kala qeybsadeen beelaha dega 2-da gobol

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaannada gobollada Jubabbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ee ka mid noqon doona baarlamanka Jubalnad ayaa lasoo dhameystirey inkastoo weli ay dhiman yihiin xildhibaannadii barlamanka kasoo geli lahaa gobolka Gedo. Beesha Sade ayaa shirka ka baxday, ayada oo ku eedeysay Axmed Madoobe in deegano beeshiisa aysan degin uu xildhibaano kasoo xushay.

Qaybsiga xildhibaannada waxaa lagu saleeyey deegaannada, saddexda gobol ee Jubaland ka kooban tahayna waxaa loo qaybiyey 15 degmo kuwaasoo midkiiba la siiyey afar xildhibaan marka laga reebo caasimadda Kismaayo oo iyadu yeelan doonta 9 xildhibaan.

Beelaha qaar ayaa saluugsan qaabka wax loo qaybiyey waxaana todobaadyadi u dambeeyey socdey dadaallo ku aaddan sidii loo qancin lahaa.

No  Degmada    Beesha                Tirada  

1    Kismaayo    Gaal Jecel              2  Xildhibaan
2    Kismaayo    Harti Daarood         1  Xildhibaan
3    Kismaayo    Ogaadeen              1  Xildhibaan
4    Kismaayo    Shiikhaal                1  Xildhibaan
5    Kismaayo    Jareerweyne          1  Xildhibaan
6    Kismaayo    Dir                          1  Xildhibaan
7    Kismaayo    Cowro maleh         1    Xildhibaan
8    Kismaayo    Mareexaan             1    Xildhibaan
9    Jamaame    Biyamaal               1    Xildhibaan
10   Jamaame    Jareerweyne         1    Xildhibaan
11   Jamaame    Gaaljecel              1    Xildhibaan
12   Jamaame    Dagoodiye            1    Xildhibaan
13   Badhaadhe   Baajuun              1    Xildhibaan
14   Badhaadhe   Ogaadeen           1    Xildhibaan
15   Badhaadhe   Gaaljecel            1    Xildhibaan
16   Badhaadhe   Shiikhaal            1    Xildhibaan
17   Saakow       Geeledle             1    Xildhibaan
18   Saakow    ,  Gaaljecel            1    Xildhibaan
19   Saakow    Macalin Weyn        1    Xildhibaan
20   Saakow    Cowlyahan             1    Xildhibaan
21   Bu’aale    Dabarre                  1    Xildhibaan
22   Bu’aale    Cowlyahan             1    Xildhibaan
23   Bu’aale    Ajuuraan                1    Xildhibaan
24   Bu’aale    Gaal Jecel             1    Xildhibaan
25   Jilib        Ogadeen M Subeyr  1    Xildhibaan
26   Jilib       Jareer Weyne           1    Xildhibaan
27   Jilib       Shiikhaal                  1    Xildhibaan
28   Jilib       Gaal Jecel                1    Xildhibaan

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com